Sawirro : Shirkad soo bandhigtay Naqshada HOBYO CUSUB

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirkad laga leeyahay dalka China ayaa shalay soo bandhigtay Naqshadda cusub Magaalada Cusub Hobyo. Ma jirto cid wali si rasmi ah qandaraas loogu siiyey dhismaha dekedda Hobyo. laakiin waxaa jira Shirkado badan oo soo bandhigay habka ay u dhisayaan dekedda iyo Magaalada Hobyo haddii qandaraaska la siiyo. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii deg deg loogu dhisi lahaa dekedda Hobyo, taas oo ka dabooli laheyd maamulkiisa gaabiska dhanka dhaqaalaha.

Waa Naqshada Dekeda Hobyo iyo sidaa loo dhisi doono Hobyo seaport Waxaayna Dekedu yeelan doontaa
1) Goobo Casri ah Oo wax laga Soo dajiyo Ama laga dhoofiyo.
2) Meelo lagu nasto
3)Garoomo kubada Cagta ah
4)Goobo wax lagu barto.
5)Hotelo Nasiino iyo internet high speed ah iyo Cusbitaal.
6)Beero lagu Raaxeesto
7)Warshad Soo saarta Kaluunka Hobyo fish neat foctory (HFMEF)
8) Xarumo keyd.
9)Garoon Diyaaradeed.
10)xarumo Ganacsi.