Ciidamada Somaliland iyo Puntland oo dagaal Qarka u saaran

Wararka Maanta

Waxgaradka maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku fashilmay joojinta dagaal uu dhiig ku daato oo ka dhaca degaano ka tirsan gobolka Sool sidda ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah Waxgaradka.

Ciidamada maamulka Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa gaaray degaano ka mid ah gobolka Sool, sidda degaanka Holhol waxaana halkaasi ay kulamo kula qaateen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa dhufeysyo ka sameystay degaano ka durugsan degaanka Tukaraq, islamarkaana soo xigga dhanka Puntland. Dadkii kunool degaanada ay gaareen ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa intooda badan halkaasi ka barakacay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay heystaan dadka ka barakacay degaanadii ay deganaayeen. Puntland iyo Somaliland ayaa wali labaduna ku hanjabaya xaalad dagaal taasoo qalqal galisay dadka Shacabka.