Sawirro: Shirka Maamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo

Wararka Maanta

Shirkii Labaad Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka ah Koofur Galbeed.

Waxaana ka qeybgalaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Puntland C/Wali Gaas, iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Waare.

Masuuliyiintaan ayaa waxaa shirka ku wehlinaya wasiiro iyo xildhibaano ka socda Dowlad goboleedyada. Shirkaan ayaa socon doona Saddex maalin, waxaana shir gudoominaya Madaxweynaha Puntland oo ah gudoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.