Waxgaradka Beesha Dir oo sheegay in Axmed Shiddo ay Koox Meesha Keensatey

Wararka Maanta

Waxaa Deeganada  Soomaalida Itoobiya maalmahaan Shirar uga socdeen Waxgarad,  Nabadoono, Salaadiin, Culimaudiin, Siyaasiyiin, Haween iyo Dhalinyaro ka tirsan Beesha Dir waxaana Shirarkaas loooga arrinsanayey Xaaladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya maadaaama ay Beeshu tahay Beelaha ugu balaaran ee Degta Deegaanadaas. 

Gabagabadii shirarkaan ayaa  Beesha Dir waxay ku sheegeen in ay aysan marnaba la shaqeyn doonin  Axmed Shido ka dib markii uu ka soo bixi waayey Arrimihii loo igmadey oo ku aadan Xaquuqda Beesha ay ku lahaayeen Deegaanada Beesha ka degto Dhulka Soomaaliada Itoobiya. 

“Waxaan nahay Beesha ugu balaaran ee degto Dhulka Sooomaalida Itoobiya hase yeeshee markii ay Beesha Xisaabtantey waxaa u soo baxay in aysan marnaba la shaqeyn doonin Axmed Shido ka dib markii uu si cad uga soo horjeestey Dalabyadii Beesha ee ku aadan in ay Xaquuq balaaran ku yeelato  Deegaanada Soomaalida Itoobiya “ ayey yiraahdeen qaar ka mid ah Waxgaradka Beesha  oo intaa raaciyey. 

“Markaan aragney qaabkii loo magacaabey Taliyayaasha ciidamada  dhawaan oo aysan Beesha ka muuqan  islamarkaana hal beel ay wada qaateen  Xilalkaas markaana aragney Hogaan xumida Axmed Shido, Markaan Aragney Cadaaladdarada  ay ku dhaqmeen Axmed Shiddo iyo Madaxweynaha Maamulka waxay Beesha Go’aansatey in aysan Beesha Dir ku aaaminin Masiirkooda labadaas Xubnood, maadaama ay weli ku shaqeynayaan Nidaamkii hore ee Cadaaladarada ku dhisnaa ” ayey yiraahdeen waxgaradkaas. 

Waxgaradka Beesha Dir waxay sheegeen  in aysan Dib dambe u aamini doonin Axmed Shiddo oo ay sheegeen  in uu ka baxay Balamo hore  oo Beesha la gaartey sidaa Darteed Beesha Dir  waxay soo jeedisey in si deg deg deg Xilka Gudoomiyaha Xisbiga looga qaado maadaama  uu waayey KalsoonidII Beesha isla markaana ay meesha ka baxdey Wada shaqeyntii. 

“Waxaan ugu baaqeynaa Xubnaha Beesha ee Baarlamaanka ku jira in ay Gacan ka geystaan sidii meesha looga saari lahaa Axmed Shido, haddii ay taasi yeeli waayaan in ay ogaadaan in aan dib dambe loo soo dooran doonin sidoo kale Beesha waxay Dhawaan  qaban doonaan Banaanbaxyo looga soo horjeedo Axmed Shido kaasoo ka dhici doono Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa “ ayey yiraahdeen Waxgaradkaas oo sheegey in Axmed uu weli ku socdo Habkii Hore  ee aan ku dhisneyn  Dimoqraadiyada. 

Axmed Shido ayaa loo Dhawaan loo magacaabey Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya waxaa uu hore u ahaa  Wasiirka Isgaarsiinta Dowlada Federaalka itoobiya hase  yeeshee Beesha Dir waxgaradkooda waxay sheegeen in Axmed Shiddo ay Koox Meesha keensatey  sidaa darteed Beesha Dir aysan la shaqeyn doonin.