Sawirro: Sh. Shariif oo si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa goor dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdiso Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya doorashada la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo.

Mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u farabadan ayaa soo dhaweeyey mudane Shariif. Waxaana magaalada Muqdisho laga dareemayaa in soo dhaweynta.

Saxaafadda ayaa dibad joog ka ah, waxaana musharaxa suxufiyiin kasoo raaceen magaalada Nairobi. Shariif sh. Axmed waa mid kamid ah ragga ugu cad cad musharixiinta u tartamaysa madaxweynanimada dalka.

Dad weyne farabadan ayaa tuban hareeraha wadooyinka, waxayna sitaan sawirada musharax. Muqdisho ayaa gashay jawi doorasho, waxaana beri la filayaa inuu muqdisho sidoo kale soo gaaro musharax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Doorashadan ayaa ka xamaasad badan tii dhacday 2012.

fb_img_1474536302301 fb_img_1474536299535 fb_img_1474536296577 fb_img_1474536293615 fb_img_1474536293615 fb_img_1474536289960 fb_img_1474532429988 fb_img_1474532427347

fb_img_1474537397165 fb_img_1474537402917

Comments are closed.