Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Galmudug ee Dalka Koofur Afrika ayaa Xalay lagu qabtay Magaalada Johannesburg.
Madasha ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, Jaaliyadaha Puntland iyo Koofur Galbeed ee Wadanka Koofur Afrika ku nool.
Sidoo kale waxaa Xafladda Qadka Taleefanka uga soo qeyb galay Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi,waxaana uu sheegay in Dowlad goboleedka Galmudug ay wax badan u Qabsoomeen Mudadii Sanadka aheyd ee Dowladda Galmudug dib u balaarinta lagu sameeyay.
Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale u Mahadceliyay Jaaliyadda Reer Galmudug ee ku nool Koofur Afrika islamarkaana dhigay Munaasabada lagu Taageerayo Dowladda Galmudug Sanad Guuradeedii Koowaad.
Dhanka kale waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Jaaliyadda Reer Galmudug ee Xafladda qabtay waxaana ay sheegeen in ay Markasta garab taagan yihiin Dowladda Galmudug oo ay ka qeyb qaadanayaan Hormarka Galmudug.
Comments are closed.