Sawirro: RW Kheyre oo dhagax dhigay Wadada Sodonka Magaalada Muqdisho

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudae Xasan Cali Kheyre ayaa maanta  dhagax dhigay Jidka 30-ka oo lagu sameynaayo dib u dayactir, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan. Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay ka qeyb qaadanayso bilicda iyo sidoo kale xasilinta Caasimadda. Waxaa uu bulshadda Soomaaliyeed ka dalbaday in ay u istaagan dhismaha Wadooyinka Muqdisho.

Wadada Sodanka ayaa dhexmarta degmooyinka Hodan, Warta Nabadda , iyo Yaaqshiid. ayaa ah wadada ugu balaaran magaalada Muqdisho, mana heli wax dayactir ah muddo 27 sano ah. Waa 11 kiilo mitir oo laba dhinac ah, waxaa ku baxaya dhaqaale gaaraya 5 milyan dollar.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir mudane Thaabid Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ka ahaa dhagax dhiga wadada sodonka oo halbowle u ah isku socodka Magaalada Muqdisho.

1-9 2-10 3-10 4-7 5-6m1 m2 m3 m4 m5 m6