Maamul gobaleedka galmudug oo ah maamul la yagleelay bartamihii sanadkii 2015tii, waxuu la kulmay caqabado, dhibaatooyin iyo khilaafaad ragaadiyey una diiday maamulkaas horumar iyo daganaansho siyaasadeed intaba, haddaba waxgaradka iyo masuuliinta reer Galmudug waxaa maanta horyaala fursado mudan inay ka faaideystaan suurtana galin kara inay maamulkaas u horseedan dib u heshiiseen iyo xasilooni siyaasadeed, waxaana fursadahaas ka mid ah:
- Sameynta dib u heshiiseen buuxda oo dhex marta qeybaha bulshada ee maamulkaas, si loo dhayo waxii dhaawac ah ee gaaray kalsoonidii iyo midnimadii dadka.
- Dhisidda maamul sal balaaran oo laga qeybgalinaya dhinacyada kala duwan, ayadoo fursad la siinaya cid kasta si ay ugu soo biirto geedi socodka dib u dhiska maamulka.
- Wax isku quurid iyo wax isku hanbeyn la dhexdhigo dadka iyo deegaanada kala duwan ee Galmudug.
Haddaba si looga faaideysto fursadahaas waqtina loogu helo xalin dhamaan caqabadaha jira, waxaan maamulka Galmudug, masuuliinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaakaas iyo dowladda dhexaba u soo jeedin lahaa in aan la deg dagin cid kastana la baadi goobo la iskuna soo dhaweeyo farqiga jira si uusan maamulkaas kol kale u murgacan.
Qormadan Waxaa Boggiisa Facebook ku daabacay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.