Sawirro: Odawaa iyo Mahad Salaad oo si diiran loogu soo dhaweyey Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Cadaado.

Wasiir Odawaa oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa sheegay in uu yimid sidii loo dardargalin lahaa doorashada ka dhacaysa magaalada Cadaado, iyo wacyi galin bulshada.

Odawaa ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad, Musharax Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Musharax xildhibaan Abshir Axmed Bukhaari iyo siyaasiyiin kale.

Wafdigan ayaa u badnaa musharixiin xildhibaan ee xisbiga Talada dalka haya ee PDP, waxaana si diiran u soo dhaweeyey taageerayaal farabadan, Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaana ciidamadu gaadh ka hayaan wadooyinka muhiimka ee magaalada.

Cadaado ayaa waxaa si xowli ah uga bilowday olalaha doorashada soomaaliya, waxaana ku soo qulqulaya Ergooyin iyo siyaasiyiin xilal doon ah.

dsc09657 dsc09658 dsc09659 dsc09660 dsc09661 dsc09662 dsc09664 dsc09665 dsc09666 dsc09668 dsc09670 dsc09671 dsc09672 dsc09674 dsc09678 dsc09679 dsc09683 dsc09684 dsc09685 dsc09688 dsc09690 dsc09691 dsc09692 dsc09694

2 thoughts on “Sawirro: Odawaa iyo Mahad Salaad oo si diiran loogu soo dhaweyey Cadaado

Comments are closed.