Nin u dhashay dalka Turkiga ayaa muddo 47 sano ah xiirin shaaribkiisa, waxa uuna ka mid noqday ragga ugu shaaribka dhaadheer dunida.
Ninkaan ayaa lagu magacaabaa Nagati Galik waana 80 jir ku nool magaalada Ganikariya ee dalkaasi Turkiga.
Mr. Nagati ayaa dad badan la yaabaan marka ay arkaan dhererka shaaribkiisa oo gaaray 2.60 mitir.