Sawirro: Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur oo si weyn loogu soo dhaweeyey Dusmo-reeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Musharax madaxweyne Soomaaliya 2016 C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Dusmo-reeb ee caasimada Galmudug.

Mr. Warsame ayaa kasoo kicitimay magaalada Muqdisho, waxaana madaxda maamulka Ahlu sunno iyo shacab farabadan ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha, waxaana loo soo galbiyey gudaha magaalada.

C/shakuur ayaa kulamo la yeeshay madaxda maamulka oo uu ugu horeeyo Sheekh Maxamed Shaakir hogaamiyaha Ahlu sunno, waxa ayna kawada hadleen doorashada iyo sidii ay u taageeri lahaayeen inuu ku guuleysto kursiga Villa Soomaaliya.

Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa kasoo jeeda gobolada dhexe gaar ahaan degmada Dusmo-reeb, waana sababta uu olalahiisa doorashada uga bilaabay, musharaxa ayaa la filayaa in uu tago magaalooyinka Cadaado iyo Galkacyo.

fb_img_1475523522569 fb_img_1475523525920 fb_img_1475523528929 fb_img_1475523532355 fb_img_1475523534869 fb_img_1475523546911 fb_img_1475524155996 fb_img_1475524162560 fb_img_1475524166497 fb_img_1475524166497 fb_img_1475524152733 fb_img_1475524171295 fb_img_1475524171295 fb_img_1475524181238

Comments are closed.