Liverpool Oo Racfaan Ka Qaadanayso Ganaax Seddexda Kulan Ee Sadio Mane

Ciyaaraha

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay racfaan ka qaadato ganaax seddex kulan ah ee Sadio Mane ka dib markii laga saaray kulankii Manchester City.

Intii lagu guda jiray qeybtii hore ee ciyaarta Premier League ee Etihad Stadium, Mane waxaa loo taagay kaarka cas ka dib markii uu goolhaye Ederson uu gaarsiiyay dhaawac, sababay inuu u baahdo todobo daqiiqo daaweyn ka hor inta aan la bedelin.

Go’aanka lagu soo oogay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa waxaa ka imaanayay fikrado kala duwan, iyadoo Jurgen Klopp uu ku dooday in qaladku uusan ogolaan karin casaankaas,  madaxii hore ee Premier League Dermot Gallagher ayaa ku adkeysanaya in garsoore Jon Moss uu yahay mid fudud.

Klopp ayaa horay u sheegay in go’aanka adag uu noqon doono waqti dhumis – halka mid ka mid ah kulamada ganaaxa haatan uu ku jiro koob  EFL Cup – laakiin kooxda Merseyside ayaa racfaan u gudbinayso FA-ga si loo yareeyo ciqaabta Mane.

Haddii uu ganaax ku maqnaanayo, 25 jirkaan ayaa ka maqnaan doona kulamada Premier League ee ay la ciyaarayaan Brighton & Hove Albion iyo Leicester City iyo sidoo kale tartanka EFL Cup ee Foxes.

W/Q Hafsa haji