Sawirro: Meydka Max'ed Cali Samatar oo goordhow laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde

Wararka Maanta

Waxaa goor dhow laga soo dajiyey garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho  Meydka Allaha u naxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Jen. Yuusuf Cusmaan Dhuumaal oo ahaa Taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in lagu aasayo Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

14089225_1752371995032121_7136648882361957561_n

Calanka Soomaaliya ayaa hoos loo dhigay saddex maalmood, waxaana dowladdu todobaadkan ku dhawaaqday baroor diiq qaran oo loo sameynayo Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar.

14068252_1752372025032118_1735998740166198874_n

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka la adkeeyay, iyadoo aaska Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar loo waddooyin dhowr ah oo magaalada ka mid ah.

14054185_1752372061698781_6849175894278738059_n

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa ka mid ahaa aas aasayaashii Ciidamada xoogga dalka, waxaa uu soo noqday Madaxweyne kuxigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Tagged

Comments are closed.