Sawirro: Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay ragii lagu qabtay Qaraxii Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kiiskii loo heystay eedeysanayaal laga soo qabtay Godinlabe ayey maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida, waxaana xukunka maxkamadda ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute….
“””Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxay u fariisatay dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :-
1- Maxamed Cali Kadiye ina Nuuro Wehliye 32jir ah ku dhashay Galgaduud.
2- Xuseen Xaashi C/laahi ina Maryan Max’ed 27jir ah ku dhashay Galgaduud. , kuwaas oo xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeysay Dembiyaga ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) kadib markii ay kamid noqdeen Ururka Al-shabaab , islamarkaana ay Ciidamada Amnigu ka soo qabteen Deegaanka Godinlabe Tr. 19/03/2017, iyagoo gaari Hoomey ah ku wado labo jiirigaan iyo jawaano laga soo buuxiyay Walxaha Qarxo iyo 12taleefano oo lagu soo xiray fiyuusyadii loo adeegsan lahaa qaraxyada, kuwaas oo ay ugu talagaleen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deggan Degmada Cadaado , Dembigaas oo ku Xusan Aayadaha 33, 45aad Suuratul Maa,iidah iyo Qod.221 XCS oo lala Aqriyo Qod.1aad XCCQS.

DOOD DHEER KADIB.
MAXKAMADDU:
Markay Dhagaysatay: – Qiraalada Eedaysaneyaasha kala ah Maxamed Cali Kadiye iyo Xuseen Xaashi C/laahi , ay ka horcadeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida horteeda in laga soo qabtay degmada Godinlaba iyagoo wada gaari hoomay ah oo ay saarnaayeen walxaha qarxa .

Markay Dhagaysatay:- markhaatiyaasha la horkeenay maxkamaddda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in iyagoo ku guda jira gaafmeer xili habeen ah ay ka shakiyeen gaari Hoomay oo ah ay wadeen labade eedaysane kadibna ay si qasab ah ku istaajiyeen markii ay baaris ku sameeyeena ay ku arkeen labo jiirigaan iyo jawaano ay ku jiraan waxyaabaha qarxa iyo taleefano ay ku xiran fiyuusyo loo diyaariyay qarax.
Markay Dhagaysatay:- Doodii dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenkii udoodayay eedaysanayaasha..

Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaatay in:-
1- Maxamed Cali Kadiye.
2- Xuseen Xaashi C/laahi ay wada yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay min 10 sano ooo xabsi ciidan ah.

Cidii aan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda waxaa u furan rafcaan.

——————— Wabillaahi towfiiq—————————–
“””

FB_IMG_1492063437507 FB_IMG_1492063433781 FB_IMG_1492063429914 FB_IMG_1492063426221 FB_IMG_1492063422621