Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa caawa kulan la qaatay ku dhawaad 20 xildhibaanada oo ka tirsan labada aqal Barlamaanka Federaalka ee laga soo doortay deegaanada Galmudug, kulanka looga ayaa diirada lagu saaray xal u helida Khilaafka sii daba dheeraaday ee Madaxda Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in wax iska badalay aysan jirin walina Khilaafka uu halkiisa taaganyahay balse madaxweynaha dowlada federaalka uu arinta la wareegay. Dowladda Federaalka ayaa u muuqata in aysan ku guuleysan xalinta khilaafka Galmudug. mana jirto guddi loo saaray arintaan.
Dhanka kale Xildhibaanada ayaa taageero u muujiyey Madaxweynaha Galmudug, Waxaana sidoo kale ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijinayaa in xildhibaanada Galmudug ay ku adkeysanayaan xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf.
Wariye: Axmed Cabdisalaan Khaliif