Wararka naga soo gaaraya magaalada Camaara ee koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in goordhow halkaas ka ruqaansadeen ciidamada isgarabsanaya, ciidamadan oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi ayaa u dhaqaaqay dhanka koofuureed wadada Aada deegaanka Caad.
Ciidamadan ayaa waxaa hawada ka taageeraya diyaarado dagaal, dhanka Xarardheere xaalada magaaladu waa dagan tahay, inta badan ciidamada Alshabaab ayaa banaanka ugu baxay magaalada, waxayna ciidankooda isugu geeyeen dhulka howdka iyo wadooyinka soo gala Xarardheere.
Alshabaab ayaa difaacyo xooggan ka sameystay deegaanka Caad oo u dhaxeysa Camaara iyo Xarardheere, waxayna gurmad uga imaanayaan deegaanada ay maamulaan.
Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com