Dowlada oo ciidamo cusub u daabulaysa deegaano kamida jubaland

Wararka Maanta

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ciidamo dheeraad ah ay u daabusho degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, iyadoo Ciidamadan ay yihiin kuwa Booliska gaarka u tababaran ee Haramcad.

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan ayaa la geynayaa degmooyinka Baardheere, Beledxaaw iyo Luuq, waxaana ciidamadan ay xoojinayaan kuwii maalmo ka hor la geeyay deegaanadaas.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda Federaalka la wareegeen Beledxaawo iyo Doolow, oo ahaa labo degmo oo awood ciidan uu ku lahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Federaalka.

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo shalay subax tagay Beledxaawo ayaa gelinkii dambe isaga baxay deegaanka, isagoo gaaray degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in ammaanka deegaanadaas ay yihiin kuwo dowladda ay si guud gacanta ugu heyn doonto, iyadoo la magacaabay Taliyaha Ciidanka Xasilinta Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii Gobolka Gedo oo dhan ula wareegi laheyd, isla markaana ka goyn laheyd Maamulka Axmed madoobe ee Jubbaland, waxaana haddii dowladda si buuxda gacanta ugu dhigto Gedo uu qorshaha labaad yahay Gobolka Jubadda Dhexe oo duulaan ay ku qaadi doonto, maadaama Al-Shabaab ay si buuxda u maamulaan.