MW Farmaajo:” Arday kasta Qalinka ha dhigo”

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyaradda Soomaaliyeed meelkastoo oo ay jooggaan in ay u diyaargaroobaan dagaalka ay dowlada Iclaamisay ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in cidda kaliya ee Soomaaliya dhibaatada ka saarikara ay yihiin dhalinyaradda, sidaasdarteed laga doonaayo in ay muujiyaan doorkood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyaradda in ay qalinka dhiggaan oo ay dagaal u diyaar garoobaan.
Soomaaliya ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo Maanta in ay u baahan tahay dhalinyaro badbaadisa.

Waxa uuna tibaaxay in Dhalinyarada laga helo in dalkooda ay u huraan naftooda iyo maalkooda sida uu hadalka u dhigay.