Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo xilka la wareegay

Wararka Maanta

Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah (16-Feb-2017) xilka ugala wareegay madaxwaynihii hore mudane Xasan Shiikh Maxamuud,kaddib munaasib lagu qabtay Villa Somalia.

Madaxwaynihii hore ayaa madaxwaynaha cusub ku wareejiyay dukumintiga dowladda, hadiyado magaca Soomaaliya uu kusoo qaaday oo isagu jira dahab iyo luul,sidoo kale wuxuu ku wareejiyay calanka Soomaaliya.

Afhayeenka Baarlamaanka, Gudoomiyaha aqalka sare,Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka koowaad,dhammaan saraakiisha ciidanka dalka iyo masuuliyiin kale ayaa goobta joogay.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Xassan Shiikh ku amaanay wuxuu qaranka usoo qabtay, waxa kale uu u mahad celiyay beesha caalamka iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga Dalka, Farmaajo ayaa shacabka ugu baaqay inay dowladda la shaqeeyaan maadama dowladu tahay mid shacab, caalamkana wuxuu sheegay in lala tartami karo.

Madaxwaynihii hore ayaa dhankiisa balan qaaday inuu la shaqayn doonno dowladda cusub.

FB_IMG_1487277366253 FB_IMG_1487277362784 FB_IMG_1487277359530 FB_IMG_1487277355882 FB_IMG_1487277351666 FB_IMG_1487277348049 FB_IMG_1487277344359 FB_IMG_1487277340707 FB_IMG_1487277337372 FB_IMG_1487277328769