Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyey Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Dulaacele Geelle (Xaaf) oo ay wehliyaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkiisa oo saraf dhinaca dhulka ah uga soo anbabaxay magaalada Cadaado ayaa maarta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa safarkiisa kusii  maray deegaano dhowra oo u dhaxeeyay cadaado iyo Gaalkacyo sida  Gelinsoor Bandiiradley, Sedax Higlo, Dagaari iyo tuulooyin kale. isagoo dadka halkaasi kunoolaa  kala hadlayey inay maamulka taageeraan isla markaana ay nabada ka shaqeeyaan.
Madaxweynaha Galmuudg iyo wafdigiisa waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay maamulka degmada kan Gobolka iyo qeybaha bulshada. Xisri Yuusuf Bare duqa Degmada Gaalkacyo ayaa hadalo soo dhaweyna kadib sheegay in magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug uu u baahanyahay dib u heshiisiin si  bulshada kunooli ay nabad  u helaan.
Waxgaradka iyo bulshada kale ee  kunoool gaalkacyo iyo deegaanadii uu soo maray madaxweyne xaaf ayaa sheegay inay tahay baahida ugu weyn oo ay qabaan helitaanka amni leysku haley karo. Madaxweynaah maamulka galmudug axmed dulaace geelle xaaf ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka shaqey doono amniga gobolka mudug iyo guud ahaan deeganaada kale ee maamulka isagoo bullshada ka codsaday inay la shaqeeyaan.
Madaxweyne Xaaf waxaa uu sheegay in nabadu ay tahay nolosha bulshada  isla markaana ay dadaal ku bixi doonaan ka maamul ahaan  sidii ay bulshadu ay ugu noolaalahaayeen.
IMG_4626 IMG_4647 IMG_4654 IMG_4659 IMG_4661 IMG_4665 IMG_4677 IMG_4681 IMG_4687 IMG_4689 IMG_4691 IMG_4693 IMG_4703 IMG_4706 IMG_4712 IMG_4716 IMG_4718 IMG_4722 IMG_4723 IMG_4725 IMG_4726
WARIYE DAAHIR FAARAX