Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyey in Mashaariicda ay ugu tala gashay Soomaaliya ay ku bixiso Magaalada Muqdisho oo keliya.
Waxaa uuna sheegay Cabdiwali Gaas in taasi ay tahay qalad weyn,islamarkaana Mashaariicda ay haboon tahay in la gaarsiiyo goboladaSoomaaliya oo dhan.
Waxaa uu xusay in ay taageersan yihiin Shaqadda dowladda Turkiga ay ka heyso Soomaaliya.
Mudane Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan jirin Mashaariic dowladda Turkiga ay ka fulisay Puntland.
Mr. Gaas ayaa Turkiga ku tilmaamay inuusan fahamsaneyn in Soomaaliya u gudubtay Federaal, ayna tahay in siman mashaariicda loo gaarsiiyo gobolada dalka.
Hadalka Gaas ayaa kusoo aadaya xilli uu dhawaan la kulmay safiirka Turkiga, Puntland ayaa doonaysa in aan deeqaha iyo mashaariicda aan loo soo marin dowlada Federaalka.