(SAWIRRO) Madaxa Hayadda UNHCR oo Muqdisho soo gaaray

Wararka Maanta

Madaxa Hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR Filippo Grandi ayaa maanta oo Axad ah wuxuu soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Sarkaalkaan ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Xukuumadda Somaliya iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya Michael Keating iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Sarkaalkaan ka tirsan Qaramada Midoobay ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dowladda Federalka Somaliya oo uu kala hadli doonaa arrimaha ku aadan Qaxootiga.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in Filippo Grandi uu gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Qaxootiga Somalida ee Dhadhaab dib looga soo celiyay.

Hoos ka Daawo Sawirrada