Madasha Heego ayaa magaalada Cadaado ku qabatay bandhigii 2-aad, waxaana marti ku ahaa Halabuure Maxamed Saalax Maarre oo booqasho ku yimid Cadaado, isagoo ka yimid Magaalada Borama Somaliland.
Bandhiga ayaa waxaa daadihinayey Wariye Saxnuun Axmed oo ka mid ah madaxda Madasha Heego, Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad oo bogaadiyey bandhigga iyo howsha ay Madashu u heyso Bulshada.
Sidoo kale wasiiro, xildhibaano, aqoonyahano ayaa bandhigga ka qeybgalay, dhanka kale Halabuure Maarre ayaa soo bandhigay Miidda maansooyin uu curiyey, waxaana u riyaaqay ka qeyb galayaasha.
Madasha Heeggo oo ay dhawaan aasaaseen dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ku haminaysa in ay xoogga saarto soo bandhigga dhaqankeenna suubban, Arimaha Bulshada iyo doodo siyaasadeed.
Muuqaalkan Bandhigga kala soco goordhow
Facebook: https://www.facebook.com/HeegoForum/
Twitter: @heegoforum