Alshabaab oo gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Banaadir

Wararka Maanta

Xarakada Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday gobolka Banaadir kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaaladaasi.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa laga soo xigtay in guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir loo magacaabay Daahir Macallin Salaad oo sida la sheegayo hore uga tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Al-shabaab.

Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaadada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017.

Al-shabaab ayaa maamul ahaan laga saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011-kii balse waxay weli ka fuliyaan dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen boqollaal ruux.

Aragtidaada ka dhiibo