Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, gudoomiyaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.
Gudoomiyaha ayaa kasoo kicitimay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa mudooyinkan, Cali Gacal ayaa kuu biiraya howsha dhameystir heshiiskii lala galay Ahlu sunno, waxaa horey Dhuusamareeb u joogay Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.
Sawirada: Abdulaahi Warsame Rooble