Ciidamada maamul Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeynayeen deegaano ku teedsan buuraha Galgala ee Gobolka Bari Puntland.
Ciidamada ayaa doonayay in ay la wareegaan dhowr tuulo oo u dhow Buuraha Galgala halkaas oo la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa kooxda Daacish.
Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa howlgalkii ugu dambeeyay waxa ay ku soo bandhigeen 14 Ruux kuwaas oo ay shegeen in ay qabteen xiligii ay howlgalka wadeen.
Sidoo kale Wasiirka amniga Puntland Cabdi xersi Cali Qarjab ayaa Shalay Warbaahinta u sheegay in dagaaladii u dambeeyay ay la galeen dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dileen 18 ka mid ah Al-Shabaab wallow anan helin Warar madaxbanaan oo xaqiijinaya Sheegashada Wasiirka.
Dhanka Al-Shabaab weli kama hadlin ragaas la soo bandhigay oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen kuwaas oo lagu qabtay howlgal laga sameeyay Buuraha Galgala.
Sawirro