Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay Madaxweynaha Somaliland.

Wararka Maanta

Cadbiqaadir Iimaan Warsame, guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaciyay natiijada doorashada ee ay guushu ku raacday Muuse Biixi. Muuse Biixi Cabdi ayaa loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland. Xisbiga Kulmiye ee uu murashaxa u yahay Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19%. Muse Biixi Cabdi ayaa ahaa guddoomiyaha xisbiga talada haya Kulmiye .

Xisbiga Waddani ee uu murashaxa u ahaa Cabdiraxmaan Cirro ayaa doorashadii usbuuc ka hor ka dhacday Somaliland waxa uu helay 40.73% halka xisbiga UCID uu helay 4.17%. .

Natiijada doorashada ayaa qaadatay muddo toddobo maalmood ah waxaana soo baxayay qaar ka mid ah musharrixiinta oo dhaliilaya qaabka ay doorashada u dhacday. Haseyeeshee guddiga doorashada waxa uu beeniyay in ku shubasho ay jirtay. Musharraxa xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada waxa uu shaki ka muujiyay xalaalnimada doorashadaasi, waxa uuna intaasi ku daray in doorashadaasi aysan xor iyo xalaal ahayn.

Muse Biixi Cabdi, madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanideeda ee Somaliland ayaa ku dhashay miyiga Hargeysa sandkii 1948.