Sawirro: Faafaahino kasoo baxaya Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Qaraxyo loo adeegsaday laba gaari oo  laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Hotel Peace agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaa dhacay  duhurnimadii  maantaa, warar horudhac oo  kasoo baxaya qaraxyada ayaa sheegay in ay ka dhaceen meel ku dhow albaabka Madiino Gate ee laga galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Bartilmaameydka qaraxa ayaa lagu sheegayaa inuu ahaa hotel Peace oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha, waxaana hotelka sanadkii hore lagu qabtay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD, Qaraxan ayaa khasaaraha ugu badan ka soo gaareen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladd.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaan, waxa ayna sheegeen in bartilmaameedkoodu ahaa Hotel Peace oo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com ama barteena facebook.com/ceelhuur.net

 

qarax-4 qarax-5 qarax-6 qarax qarax-7