Sawirro: Ciidamadda Puntland oo burburiyey Saldhigyadii Daacish

Wararka Maanta

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo ay weheliyaan ciidamada Badda Puntland (PMPF) iyo ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa soo geba-gebeeyey hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka argagixisada Daacish oo ay afartii maalmood ee la soo dhaafay ka wadeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox iyo Bohol ee u dhexeeya Balidhidin iyo Qandala.

Hawlgalkan ay ciidamada Puntland ka fuliyeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari ayaa bartilmaameedkiisu ahaa sidii ay Daacish uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga dhuumaalaystaan Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.

Intii hawlgalkani socday ciidamada Puntland waxay Daacish ka saareen goobo ay kaga dhuumaalaystaan Buuraha Cal Miskaat oo hoostaga degmada Qandala ee gobolka , isla mar ahaantaana waxay ciidamadu ka gubeen Daacish godad raashin ugu kaydsanaa, waxayna burburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan ururka Daacish oo ku yaal aaggaas, waxaana laga qabtay qalab ay ku samayn jireen waxyaalaha qarxa.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgallada ay deegaanada Puntland kaga xoraynayaan cadowga ku soo duulay , waxaana ka go’an ciidamada difaaca Puntland in ay argagixisada u diidaan in aysa helin goobo ay ku badbaadaan.