Madaxweyne Farmaajo oo xilal cusub magacaabay (Akhriso)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabay masuuliyiin cusub oo ka mid noqonaya maamulka Madaxtooyada Soomaaliya.

Xilalka la magacaabay waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Soomaaliya, Agaasimeyaal kale iyo la taliyaal.

Halkaan  ka Akhriso magacyada masuuliyiinta la magacaabay.

1. Abuukar Daahir Cismaan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
2. Prof  Nuur Diiriye Fuursade, La Taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda.
3. Maxamed Cabdullahi Axmed, Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha
4. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada.
5. Cabdinuur Maxamed Axmed,Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Magacaabista cusub ayaa ka dhigan in meesha laga saaray xubnihii horey u hayey jagooyinka, taas oo loo aaneynayo in ay la shaqeeyeen Madaxweynihii hore, xubnaha cusub ayaa u badan hormuudkii olalaha doorashada Madaxweynaha oo lagu abaalmariyey jagooyinkan.