Maamulka Gobolka Banaadir ayaa farageliyay xiisad maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd degmada Kaxda, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay dilal ku saleysan aanooyin qabiil oo u dhaxeeyay labo beelood.
Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Dheere ayaa sheegay in kulan ay la qaateen odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Kaxda lagu soo afjaray xiisadii ka taagneyd degmada.
Waxaa uu sheegay in sharciga la horgeyn doono dadka caqabada ku ah horumarka iyo xasilloonida deegaanka.
Guddoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaal dhiig ku daato, isla markaana maamulka Gobolka Banaadir uusan aqbaleyn, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay nabadda ka shaqeeyaan.
Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka degmada Kaxda ayaa sheegay in qofkii qof dila sharciga la horgeeyo, haddii taas dhici weydana aysan waxba hagaageyn, waxaana ay uga mahadceliyeen Maamulka Gobolka Banaadir kaalinta uu ka qaatay soo afjarida xiisadii maalmahan ka taagneyd degmada.
Degmada Kaxda oo dhacda koofur galbeed Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay lagu dilay dad dhowr ah, waxaana dhacdadii u dambeysay aheyd markii maleeshiyo hubeysan ay rasaas ku fureen goob maqaaxi ah oo dad ku sugnaayeen, waxaana ku dhintay illaa saddex ruux.