Cadaado: 80 qof uu soo ritay Shubanka iyo dawo la’aan jirta

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Isbitaalka guud ee degmada Cadaado ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay lasoo gaarsiiyey ilaa 80 qof oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, sidoo kale 2 ruux oo mid cunug yar yahay ayaa u geeriyooday shubanka.

Dadka bukaanka ayaa inta badan laga keenay tuulada iidoole ee hoostagta degmada Cadaado.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in dawo la’aan ay jirto, waxaana ciidamada Jabuuti ee ku sugan Cadaado ay daawo gaarsiiyeen bukaanada shubanku soo ritay.

Fadlan aan ka qeyb qaadano sidii deg deg daawo loogu heli lahaa bukaanada shubanku soo ritay oo saacad kasta bukaano cusub la keenayo isbitaalka Cadaado.