Sawirro: Dhismaha garoonka diyaaradaha Hobyo oo bilowday

Hormarka Dalka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa duleedka magaalada Hobyo ka bilowday dhismaha garoonka diyaaradaha Hobyo, waxaana la filayaa in muddo kooban lagu soo gabangabeeyo dhismaha dhabaha diyaaradahu ku ordaan.

Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha si wadajir ah u maalgalinaya Hay’ada SSF (Somali Stability Fund) Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Waxaa mashruucaan ku baxaya dhaqaale ka badan 300 kun dollar, waxaana Fulinaya hay’ada CPD.

Mashruucaan ayaa qeyb ka ahaa mashaariic horumarineed oo laga fulinayo 4 degmo oo kala ah Hobyo, Cadaado, Cabudwaaq iyo Balanbale.

Dhanka kale waxaa heer gaba gabo maraya dhismaha xarunta degmada Hobyo iyo dhismaha dugsi degmada.

FB_IMG_1487322195891 FB_IMG_1487322192599 FB_IMG_1487322189797 FB_IMG_1487322186729 FB_IMG_1487322183055 FB_IMG_1487322179536 FB_IMG_1487322175144