Sawirro: Dadkii ku sii jeeday Baydhabo ee lagu xasuuqay duleedka Qoryooleey

Wararka Maanta

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gudi loo saaray baaritaanka dadkii gaariga Homey-da la socday ee lagu dilay duleedka degmada Qoryooleey.

Dadkaasi oo khudaar u waday gobolka Baay ayaa gaariga ay saarnaayeen waxaa lagu dhuftay qoriga Baasuukaha, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Sawirro laga soo qaaday gaariga ay saarnaayeen dadka ayaa ahaa mid laga argagaxo, iyadoo dadkii gaariga saarnaa ay gebi ahaanba gubteen

Ciidamada AMISOM ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ku xasuuqay Gobolka Shabeellaha Hoose illaa 11 ruux oo dad rayid ahaa.

Dadka gaariga saarnaa ayaa sawiro laga soo qaaday waxay muujinayeen jirkooda oo qaarkood gubtay iyo khudaarta oo laamiga daadsan.

18-2-768x1024

xasuuq-1

xasuuq-2

xasuuq-3

xasuuq-4

xasuuq-5

xasuuq-6

xasuuq-7