Taliska Ciidamada ammaanka Puntland ayaa waxa ay war ka soo saareen Gaari Walxaha Qarxa siday oo dhowaan lagu qabtay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Gaarigan siday Walxaha Qarxa ayaa nuuciisa waxa uu ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaano Candha-meedlaha, isagoo isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Boosaaso iyo Beledweyne, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Taliska Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen baaris kadib in la ogaaday in Gaarigaasi waday Walxaha Qarxa la doonayay in lagu Qarxiyo shacabka Puntland.
Gaarigaan ayaa bishii hore lagu qabtay duleedka Galkacyo, waxaana saarnaa agab ciidan, biro iyo calanka Alshabaab, wadaha gaarigan ayaa sheegay in alaabtaan laga soo saaray magaalada Beledweyne.
Mudooyinkan dambe ayaa gudaha Puntland waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan, gaar ahaan magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland.