Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad Soomaaliya, waxaana ku tartamay 4 musharax oo kala ah :
- Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari
- Cabdirashid Maxamed Xidig
- Cabdifitax Maxamed Geesey
- Idiris Cabdi Dhakhtar .
Guddiga doorashada ayaa sheegay in ay codeyeen 259 xildhibaan, Waxaana Musharixiintu kala heleen codadkan
- Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari 141 cod
- Cabdirashid Maxamed Xidig 97 cod
- Cabdifitax Maxamed Geesey 17 cod
- Idiris Cabdi Dhakhtar 2 cod
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku guuleystay 141 cod, waxa uuna noqday gudoomiyaha Barlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.