Sawirro: Cadaado dhismaha 4 Waddo oo dhamaaday

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiiru dowlaha arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Galmudug Cumar Maxamed Diiriye iyo Gudoomiye ku xigeenka degmada Cadaado Nuur Yarow Xayle ayaa wadajir xariga uga jaray 4 wado oo cusub, kuwaas oo la saaray jaay.

Wadooyinkan ayaa waxaa maalgaliyey Maamulka degmada iyagoo dhaqaalaha ka helay sanduuqa horumarinta dowladaha hoose JPLG (Joint Program Local Governments).

Wadooyinkan xarigga laga jaray ayaa dhererkoodu yahay 5000 mitir, mashruucaan ayaa qeyb ka ahaa qorshaha horumarinta Cadaado 2016.

Mashruucaan ayaa waxaa fuliyey shirkadda Adeegga guud ee Ximan HIMAN GENERAL SERVICES, shirkadan ayaa mashruucyo dhismo ka fulisay degaanada Galmudug.

Dhawaan ayaa sidoo kale la filayaa in xariga laga jaro 3 wado oo lagu dhisay mashruuca ay bixisay Sanduuqa xasilinta Soomaaliya SSF (Somalia Stability Fund).

Mashaariicda degmada Cadaado laga fuliyey 2016

  1. Todobo (7) waddo oo jaay ah
  2. Balaarinta isbitaalka guud degmada
  3. Balaarinta Xarunta Madaxtooyada

DSC03659 DSC03662 DSC03658 DSC03658 DSC03665 DSC03668 DSC03670 DSC03672 DSC03671 DSC03708