Sawirro: 32 Qof oo ku geeriyooday diyaarad ku burburtay dalka Kyrgyzstan

Uncategorized Wararka Dibadda Wararka Maanta

32 qof ayaa ku naf waayey kadib markii diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ay saaka ku bur burtay meel u dhaw garoonka diyaaraha caalamiga ah ee ugu weyn dalka Kyrgyzstan.

Sida ay sheegeen saraakiisha dowlada Kyrgyzstan, ugu yaraan 15 ka mid ah dadka ku dhintay shilkaasi ayaa ku sugnaa dhulka, gaar ahaan xaafadda Dacha-Suu oo u dhaw garoonka Manas oo qiyaastii 25 km dhinaca waqooyi uga began caasimada Bishkek.

Dadka dhintay ayaa sidoo kale waxaa ku jiray afarti duuliye ee diyaaradda.

Diyaaradani oo kasoo amba baxday Jasiiradda Hong Kong ayaa rabtay inay alaab xamuul ah ku dajiso garoonka Manas, ka hor inta aysan ku laaban magaalada Istanbul.

Wasaaradda adeegyada dag-daga ah ee Kyrgyzstan ayaa sheegtay in diyaaradda ay sidoo kale waxyeeleeysay ilaa iyo 15 guri, sidoo kalana la damiyey dab ka dhashay burburka diyaarada.

Garoonka diyaaradaha Manas ayaa la xiray, ayada oo la joojiyey dhammaan duulimaadyadii illaa ugu yaraan caawa.

IMG_20170116_151203 IMG_20170116_151200 IMG_20170116_151155 IMG_20170116_151151

Tagged