Home » Arimaha Bulshada » SHEEKADII HEYBE IYO JACEYLKIISI HUNGOOBEY – (HOR-DHAC). Date :May 19, 2017 Author :admin

SHEEKADII HEYBE IYO JACEYLKIISI HUNGOOBEY – (HOR-DHAC).

sheekadii heybe iyo jaceylkiisii

SHEEKADII HEYBE IYO JACEYLKIISI HUNGOOBEY – (HOR-DHAC).

 

WAA MAXAY SHEEKO?.

Jawaabta waxaan ku koobi karnaa inay Sheekadu tahay qoraal ka jan-jeera hadalka caadiga ah, kaasoo loo adeegsadey si far-shaxanimo ah, iskuna suran si habeysan,  iyadoo ujeedadu tahay in la soo ban-dhigo qodob taabanaya bul-shada, si kalena, Sheekadu waa lakabyo hadaleed  xiriir-san, iyo dhiraan-dhirin lagu jaan-gooyey qaab faneed xiiso leh, si toos ah-na u taabaneysa qalbiga akh-ristaha/dhegays-taha, taasoo keeneysa in akh-ristuhu/dhageys-tuhu la jaan-qaado Sheekada bilow ilaa dhammaad.

 

ABTIRSIIN-YAHA SHEEKOOYINKA.

Sheekooyinku waxay ku arooraan, ama qeyb ka yihiin mid ka mid ah faraca BAHAHA asalka ah ee Suugaanta, sida la og-yahayna SUUGAANTUwaxay u kala bax-daa labo BAHOOD oo asal, kalana ah ERAY iyo OR, Suugaanta erayga ahi waxay leedahay farac ka kooban labo, oo kala ah TIX iyo TIRAAB.

 

Faraca ka baxa BAHAHA asalka ah ee SUUGAANTA, isla markaas-na ah kan aynu u dan leenahay waa TIRAAB-TA, taasoo seeraar  u ah SHEEKOOYINKA, dadka raac-raaca SUUGAANTA Soomaaliduna waxay yiraahdaan Sheekooyinku waa kuwa ugu saameyn-ta badan TIRAAB-TA, waxay-na Sheekooyinku in yar ka horeeyaan MAAH-MAAHYADA,  maadaama ay sidaas tahay, waxaynu oran karnaa sheekooyinku waa SUUGAANmagoogasho leh, lana fal-gasha dareenka ruuxiga ah  ee akh-ristaha/dhegeys-taha, sidoo kalena Sheekooyinku  waxay isu tabiyaan si min-guuris ah.

 

Sheekooyinka waxaa loo aqoonsan-yahay inay yihiin GOB-TA ama LAAN-DHEERKA aan la laali karin ee TIRAAB-TA, maxaa yeelay sheekooyinku waxay si ka duwan TIRAABTA kale ugu soogan yihiin saban-saabka nolosha maalmeed ee bul-shada Soomaaliyeed, waxay-na si laab-qaad ah ugu waaraan qalbiga akh-ristaha/dhegeys-taha, weliba si soo noq-noqota.

 

Dhanka kale, Sheekooyinku waxay la olog yihiin riwaayadaha, waxay-se ku kala duwan yihiin xagga jiritaanka, riwaayaduhu waxay dhinaca jilitaanka ehel kala yihiinSheekooyinka, waxay-se ku kala gedisan yihiin labo qodob oo kala ah:-

–          Riwaayaduhu waxay qeyb ka yihiin maansada oo ka mida unugyada ka jeexma qeyb-ta kale ee SUUGAANTA ee ah OR-ta, taasoo ah EREYGII oo lagu lifaaqey LAXAN ama RHYTHM, Soomaalidii horena waxaa kaalinkaas ( Dabaqaada Laxanka ) u buuxin jirey JAAN  iyo JIIB.

–          Riwaayadaha waxaa loo adeegsadaa qaab masrixiyeed, halka SHEEKOOYINKA loo adeegsado qaab qoraal ama tebin ah.

 

Waxaynu soo sheegnay in SHEEKOOYINKU isu tebiyaan si minguuris ah, min-guurisyadanu  waxay u kala baxaan MIN-GUURIS DHAB AH, iyo MIN-GUURIS CURIS AH, sida qof kastaana dareemi karo Min-guuriska dhabta ahi waa mid qoraagu soo gudbinayo dhacdo dhab ah ( Isaga ha ku dhacdo, ama ha ka soo min-guursho ruuxii ay ku dhacdee ), tanina inta badan waa ku yar tahay SHEEKOOYINKA Soomaalida, waayo? Dhaqankeena waa ku adag tahay in ruuxu ogolaado in la soo ban-dhigo dhacdo isaga khuseysa, amaba isagu-ba uu soo gudbiyo.

Laakiin Min-guuriska curiska ahi sidaas maaha, waana SHEEKO ka timid dhacdo khiyaali ah, oo ka yagleelantay tiraabo isa suran oo ka soo maaxdey maanka qoraha, qeyb-tani haddii ay dhaliil leedahay taasi waa mid u nasab sheeganaysa khiyaalinimadeeda, halkaas-na ka garo in mar kasta Minguuriskani uu ka heer hooseeyo kan kale ee ah Min-guuriska dhabta ah, laakiin wuu kaga faa’iido badan yahay bul-shada, oo wuxuu qoruhu soo ban-dhigaa arrimo caadiyan u jira, una baahan in la xaliyo.

Waxay kaloo SHEEKOOYINKU ku kala duwan yihiin qaab qoraalka, si guud waxaa  u jira labo qeybood oo loo kala saaro SHEEKOOYINKA, marka laga eego qaab qoraalka, waxayna kala yihiin:-
– ISKA HADAL, qaabkani waa mid sheekada uu qoruhu noqonayo tiir-dhexaadkeeda, isaga ayaana iska hadlaya, Tusaalle:- Waxaan ku sii jeeday goobteyda shaqada, markii la isoo gaarsiiiyey khabarka naxdinta leh, ee xambaarsanaa geerida Aabahey, qoraagu wuxuu sawir ka bixinayaa siday wax u dhaceen, isaga ayaana ah tabiyaha sheekada, marka waxaan dhihi karnaa qaabkani waa kan ugu wanaagsan xagga fahamka akh-ristaha, sidoo kalena waa mid aad ugu fudud qoraaga qudhiisa.

– QOF KA HADAL, kani waa ka duwan yahay qeyb-tii hore, qoraaga ayaana laga doonayaa inuu soo tebiyo sheekada, isaga oo aan ka mid aheyn inta SHEEKADU khuseyso, Tusaalle:- Axmed wuxuu ku sii jeeday goobtiisa shaqada, markii la soo gaarsiiyey khabarka uusan mahdin ee xambaarsanaa geerida Aabihiis.

Sheekooyinka waxaa loo kala saari karaa SHEEKO GUUD, iyo SHEEKO CARUUREED, waxan sidaa u leeyahay inaan soo kobo, faham-kuna saafi noqdo, Sheeko caruureeda maahee, inta kale waxay khuseeyaan QAAN-GAARKA, waxay-na ku kala duwan yihiin oo keliya qodobka gun-dhiga u ah, laakiin sida kale waa isaga mid, marka waa inaan is raacinaa oo aan siinaa hal-qabsiga ah SHEEKO GUUD.

Qoraalka taariikhiga ah, kan cilmiga ah, midka xambaarsan dhacdo bul-shadeed tebineysa dhacdo aan ugub aheyn, intuba waa sheeko, haddii la siiyo magaca ah SHEEKO GUUD in la asiibay ayay ila tahay.

Waxa kaloo jira labo nuuc oo loo kala saari karo sheekooyinka, iyadoo loo eegaayo xagga dhumucda qoraalka, kuwaasina waxay kala yihiin SHEEKO GAABAN iyo SHEEKO TAXANE AH.

Sheekadi gaabani badanaa waa ka xiiso iyo xamaasad badan tahay Sheekada taxanaha ah, maxaa yeelay waa ka urursan tahay nooca kale, waana ka saameyn badan tahay, waxay kaloo kaga eyni duwan tahay iyadoo badiyaa loo adeegsado tebinta idaacadaha, taasoo aan badanaa ka suurto-galeyn tan kale ee ah Sheekada taxanaha ah.

Sheekada Taxanaha ahi, waa mid aan koobneyn, qiyaas-tiina waxay ka bilaabataa ilaa 100 bog, caadiyana waxaa lagu soo ban-dhigaa BUUG, ama waxaa si xiriir ah loogu daabacaa War-geys, iyadoo muddooyinkan dambena ay mareegaha bogaga inter-netku ku soo biireen meelaha laga daalacdo Sheekooyinka Taxanaha ah.

Sheekooyinka guud waxaa ka mid ah, hur-muudna kaga jira SHEEKOOYINKA JACEYL-KA AH, Sheekada jaceyl-ka ahi waa noqon kartaa mid gaaban, waana noqon kartaa mid taxane ah, laakiin waxay ka siman yihiin waxaa ka dhex muuqdo ruux, kaasoo lagu sifeeyo wanaag, wuxuuna mar kasta bartilmaameed u noqdaa HADIMO iyo LUG-GOOYO kaga timaada qof ama ka badan, kuwaasoo kaga jira sheekada qeyb-ta xumaanta.

HEYBE IYO JACEYL-KIISII HUNGOOBAY, waa Sheeko Taxane ah, waxay-na ku ab-tirsataa sheekooyinka Jaceyl-ka ah, waana KHIYAALI ku kooban oo keliya curinta qoraha, waase dhici kartaa inay dadka qaarkii u soo joogeen dhacdooyin la eyni ah ama la misaal ah, taasina waxaa keenaya iyadoo lagu sar-gooyey waayaha bul-shada Soomaaliyeed, marka qariib maaha inay jiri karaan dad tuhmi kara inay noqon karto sheeko Hebel iyo Heblaayo ay yaqaanaan ku dhacday, asii la maldahay, waxana loo aaneyn karaa sida qoruhu u haleelay, how-raar hadaleed-na uu ugu higaad-shey sawirka nololeed ee bul-shada Soomaaliyeed…..laakiin Sheekadani waa KHIYAALI.

 

La soco qeyb-ta 1-aad Jimcaha dambe

Shamsuddiin64@yahoo.co.uk

74 total views, 2 views today