in ka baddan 250 ardey ayaa maanta ka qalin jabiyay Jaamacadda Jamhuuriya oo ka mid ah Jaamcaddaha ku yaala magalada Muqdisho.
Masuuliyiin ka socda DF,aqoon yahano,waalidiin, barayaal Jaamacaddeed iyo saaxiibadda qalin jabiyaasha Shihaadada heerka koowaad ayaa kasoo qayb galay munaasibaddan oo lagu qabtay hoolka shirarka Hotel SYL.
Masuuliyiintii kala duwanaa ee hadlay ayaa sheegay in xoogga la saaro sidii loo shaqaalaysiin lahaa ardeyda maanta qalin jabisey. Waxaa xusid muddan in dadka qalin jabiyay ka mid ahayd hooyo ku dadaashay iney carruurteeda heer Jaamacaddeed gaarsiiso oo markii dambena markey arrinkaa ku guulaysatay iyaduna Jaamiciyad noqotay maantana shihaadadeeda koowaad qaadatay.
Jaamacadda Jamhuuriya ayaa la aasasey 2011-kii balse waxay shaqo bilowdey 2012. Waana dufcaddii ugu horaysey oo ka qalin jabisey afar kulliyadood.
Sawiradan waxaa leh: Cali Ducaale
Comments are closed.