Taliyihii Ciidamada Ahlusuna oo ku dhintay dagaalkii Godinlabe

Wararka Dibadda Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegay in Taliyihii ciidamada Ahlusuna Axmed Maxamed Odawaa (Axmed Dheere) uu ku dhintay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo labo jeer ka dhacay deegaanka ayaa markii hore waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo maleeshiyo hubeysan, waxaana dagaalka ku soo biiray Ciidamo ka tirsan Ahlusuna oo taageerayay Maleeshiyada hubeysan.

Saraakiil ka tirsan Ahlusuna ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Axmed Dheere uu ku dhintay dagaalkii dhacay duhurnimadii maanta.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo galabta gaaray deegaanka Godinlabe, kaddib markii ay isaga baxeen Ahlusuna ayaa la sheegay in mar kale dagaal ay soo qaadeen ahlusuna .

Xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Cadaado, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo hor leh inuu deegaanka ka qarxo.

Xaalada deegaanka Godinlabe ayaa haatan degan, waxaana ka barakacay dadkii ku dhaqnaa, kuwaasoo u cararay deegaanada fog ee miyig ah.

Comments are closed.