Baxreyn oo si buuxda u aqoonsaneysa Israel

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Baxreyn ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee Carbeed ee oggolaada in la hagaajiyo xiriirkeeda dublumaasiyadeed ee Israel iyadoo ay tani qeyb ka tahay cadaadiska ballaaran ee dublomaasiyadeed ee Madaxweyne Donald Trump iyo maamulkiisu ay ku doonayaan in si buuxda Israel ay qeyb uga noqoto gobolka Bariga Dhexe.

Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay heshiiskan, ka dib wadahadal saddex geesood ah oo uu la yeeshay Ra’iisul-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo boqorka Baxreyn Hamad bin Ciisa Al Khalifa. Saddaxda hoggaamiye ayaa sidoo kale si wadajir ah u soo saaray bayaan ka kooban lix sadar oo ay ku caddeeyeen heshiiska.

“Waa maalin kale iyo guul taariikhi ah,” ayuu Trump ku qoray boggiisa Twitter-ka.

Ku dhawaaqidda oo ku soo beegantay sanad-guuradii 19-aad ee weeraradii argagixiso ee Sept. 11, 2001 ayaa timid wax ka yar toddobaad marka uu Trump martigelin doono xaflad ka dhaceysa Aqalka Cad taasi oo lagu saxiixi doono heshiiska lagu aas-aasayo xiriirka buuxa ee Israel iyo Imaaraatka Carabta. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Baxreyn ayaa isna ka qeybgali doona munaasabadda.

Heshiiskan ayaa ka dhigan guul kale oo dublomaasiyadeed ee uu soo hooyay Trump muddo ka yar laba bilood ka hor doorashada madaxweynenimada, waxaana tani ay tahay fursad uu ku xoojinayo taageerada Masiixiyiinta evangelical ee sida weyn u taageera Israel.

Toddobaadkii hore ayuu Trump ku dhawaaqay heshiisyo mabda’ ahaan ay Kosovo ku aqqoonsaneyso Israel iyadoo Serbia ay safaaraddeeda ka rari doonto magaalada Tel Aviv una rarayso Jerusalem.

isha: AP