Madaxweynaha Galmudug oo si weyn loogu soo dhaweeyey Baydhabo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo galabta gaaray Magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Qeybaha Bulshada ayaa halkaas ku soo dhaweeyey.

Madaxweyne Xaaf ayaa ka qeybgalaya shirka la filayo inuu beri halkaas uga furmo Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada, Waxaana shirkaan looga hadli doona arimaha Siyaasadda, Doorashooyinka 2020, iyo Amniga.

Mr. Xaaf ayaa maalmihii ugu dambeeyey wajahayey cadaadis uga imaanayey Madax Sare ee Dowladd Dhexe oo diidanaa inuu ka qeybgalo shirka Baydhabo, Waxaa horey u jirtay In Madaxda Galmudug ku kala qeybsanaayeen wadiiqada loo maray Heshiishka Ahlu Sunna.

Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku sugan Muqdisho ayaa si aad ah uga soo horjeeda Sida loo maareeyey heshiiskaas, Waxayna taageero ka helayaan Madaxda Dowladda Federaalka.