Sarkaal Alshabaab ah oo Dowladda isku soo dhiibay

Wararka Maanta

Maalinimadii Shalay ayaa waxaa Sarkaalka ka  tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Maamulka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay , Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Ibrahim Maxamed Adan ( Ibarhim Boolis ), waxana la sheegay in  uu ahaa Madaxa maaliyadda iyo Sirdoonka Alshabaab u qaabilsanaa Degmada Bardaale.

Sarkaalka oo ay soo bandhigeen saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Bardaale ayaa  watay Qoriga AK47.

Guddoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isaxaaq Aracas ayaa faafahin ka bixiyay sida ugu soorta gashey in maamulka Degmada isku soo dhiibo.

“Sarakaal kan ka tirsanaa ALshabaab oo hada soo goostay,waxaa lagu magacaabaa Ibrahim Maxamed Adan ( Ibarhim Boolis ), waxaa uu ahaa qof wax badan dagaalo ay ina dhexmareen,labo jago ayuu haayay, madixii sirdoonka iyo Maaliyadda Bardaale,nin aad looga yaqaano deegaanada ayuu ahaa,iyadoo la tixgelinayo baaqii madaxweynaha JFS ee ahaa cafiska waan soo dhaweynay”

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isaxaaq Aracas ayaa baaq u diray Dhalinyarada ka tirsan  Al-Shabaab,isagoo tixgalinayo baaqii Madaxweynaha jamhuuriyadda Fedaralka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaah Farmaajo ee ahaa in qof kasta oo ka soo taga Al-Shabaab ay dowladda Soomaaliya soo dhaweyneyso.