Jadwalka doorashada Galmudug oo markale la soo saaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddiga farsamada ee maamul u dhisidda Galmudug ayaa soo saaray jadwalka cusub ee dhismaha iyo doorashada maamulka iyadoo jadwalkii hore uu suurtogal noqon waayay.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug ay dhici doonto 9ka bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2020ka.

Jadwalkan ayaa lagu sheegay in 19-ka ilaa 23-ka December la xaqiijin doono odayaasha dhaqanka iyo xalinta khilaafyada, iyada oo xulista xidlhibaanada ay socon doonto 24-ka ilaa 30-ka December.
Halkan hoose ka aqriso jadwalka cusub ee doorashada Galmudug