Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootay Hargeysa

Wararka Maanta

Wararka naga soogaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaas ay saaka ku geeriyootay Fanaanadda Sahra Axmed Jaamac.

Sahra ayaa maalmahan ku xanuunsaneysay Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa halkaas oo ay saaka ku naf baxday.

Geerida Sahra waxaa xaqiijiyay Dhaqaatiirta gacanta ku hayay ee ka howlgala Isbitaalka ay ku xanuunsaneysay.

Sahra waxaa ay ka mid ahayd Fanaaniinta Gabadhaha ah ee ugu caansan Fanka Soomaaliyeed,waxaana xilliyadii ugu dambeeyay ay ku xanuunsaneysay  Magaalada Hargeysa.