Axmed Madoobe oo la kulmay Xildhibaanada cusub Jubbaland

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo markii saddexaad u taagan xilka Madaxweynaha maamulkaas ayaa xalay kulan la yeeshay xildhibaannada cusub ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaannada cusub  waxaa uu ka dabaday in ay codkooda siiyaan si markii saddexaad uu u noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa oo joogay guddoonka  Baarlamaanka Jubbaland, iyaga oo gaar ahaan diiradda saaray sidii ay nabad-galyo ugu dhici laheyd doorashada maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22ka bishan Augusto.

Maamulka Jubbaland ayaa xalay ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay Cirka, Dhulka iyo Badda,isla markaana aysan jirin cid soo geli karta Magaalada ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.