Liverpool ayaa ka walwalsan taam ahaanshaha Sadio Mane ka dib markii weeraryahanka la sheegay in loo diray isbitaalka ka dib dhaawac garabka ah oo tababarka ku soo gaaray.
24-sano jirkaan oo kooxda Southampton kaga soo biiray lacag lagu sheegay £ 30m xagaagan, ayaa soo jiitay taageerayaasha kulankiisii ugu horeeyay axadii dhaweyd kadib gool uu u dhaliyay Reds ciyaartii ay 4-3 kaga badiyeen Arsenal.
Mane ayaa moddo ku maqnaanaya kadib baaritaanka lagu sameeyo dhaawaca garbka, sida laga soo xigtay Liverpool Echo.
Kooxda ka dhisan Merseyside kulanlooda labaad ee horyaalka xagaagan waxay la ciyaarayaan kooxda Burnley sabtida.
Comments are closed.