Saafaradda Maraykanka ee dalka Kenya oo maanta la xiray

Wararka Dibadda Wararka Maanta

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in maanta oo ah 28 October Safaaradda la xiray, iyadoo la joojiyay adeegyadii Qunsuliyada, balse adeegyada deg deg ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniinta Mareykanka in la heli karo.

Safaaradda ayaa xirnaan doonto ilaa 31 bishan,  Ninka midida ku hubeysnaa ayaa isku dayay inuu xoog ku galo safaaradda, sida ay sheegayaan warbaahinta Kenya, balse waxaa toogtay mid ka mid ah ilaalada Safaaradda.

Booliska Kenya ayaa wali wax faah faahin rasmi ah ka bixin dhacdadii shalay, inkastoo ninka la sheegay inuu midida ku hubeysnaa uu ahaa Soomaali ka soo jeeda magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Ninka ay toogteen Ilaalada Safaaradda ayaa da’diisa lagu qiyaasay 20-jir, waxaana socda baaritaano dhacdadii ka dhacday banaanka Safaaradda.