Gudiga doorashada dadban ayaa caawa soo saaray liiska 10 musharax oo u tartamaya saddex kursi aqalka sare ee beelaha waqooyi, doorashada kuraastan ayaa beri ka dhici doonto magaalada Muqdisho, waxaana kullan ay maanta yeesheen gudoonka cusub ee barlamaaanka iyo guddiga doorashada isla gartaan in la dadajiyo kuraasta dhiman ee golaha shacabka iyo aqalka sare.
Doorashada xildhibaanada ayaa waxaa ka dhiman 5 kursi aqalka sare iyo 9 kursi aqalka hoose, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la dhameystiro doorashada kuraastan, sidoo kale waxaa jira 5 kursi oo guddiga khilaafaadku laaleen natiijadooda.